Aqriso: Bayaan hordhac ah oo ku saabsan hanaanka doorashada Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Kooxda koorjoogtada maxalliga ah, Nala Ogaada, ayaa sii wada kormeerka habraaca doorashada baarlamaanka kaddib go’aamadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 9-kii Janaayo 2022. Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo dhamaystirka doorashada dib u dhacaday ayadoo lugu dhamaystirayo ugu dambayn 25 February

Markaan oo la joogo 3 February, isu gaynta mudanayaasha Golaha Shacabka ee la doortay waa 101 mudane (36.73 percent), halka uu Golaha Shacabku yahay 275 Mudane, waxaa dumar ka ah 17 (16.8 percent) taasoo ka yar qoondadii 30 percent-ga ee kuraasta haweenka.

18-ka qodob ee ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa ka mid ah laba qodob oo si gaar ah muhim ugu ah hufnaanta iyo kalsoonida hannaanka doorashada. Waa qodobada ka hadlaya xulista ergada iyo diiwaangelinta murashaxiinta:

  • Xulista ergada kursi kasta waa in ay goobjoog iyo marqaati ka ahaadaan gudiga doorashada, warbaaahinta iyo korjoogayaasha maxalliga ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo furnaanta hanaanka doorashada ee kursi kasta.
  • Ma jiro murashax soo buuxiyay sharuudaha hanaanka doorashada oo laga hor istaagi karo in uu tartamo.

Hanaanka xulista ergada ayaa noqday hanaan taariikhi ah. Xubno bulshada rayidka ah iyo odayaasha ayaa wadaagaya xubnaha Gudiga Xulista Ergada, tiiyoo ay dheertahay, in tirada ergada la kordhiyay lagana dhigay 101 halkii ay horay u aheed 51 doorashadii 2016-kii. Inkastoo ay tillaabooyinkaan muhim u yihiin hanaan doorasho loo dhanyahay, hadana kormeerayaal madaxbanaan ayaa gobolada qaar loo diiday in ay korjoogteeyaan hanaanka xulista ergada, taasoo halis gelinaysa hufnaanta doorashada.

Kormeerayaal ayaa sidoo kale soo sheegaya marar badan oo musharixiin loo diiday fursad ay isku diiwaan geliyaan ayakoo buuxiyay shuruudaha musharaxnimo.

56 kursi oo Golaha Shacabka  lana doortay intii lugu jiray bishii January, 13,23 percent waxaa lugu doortay hanaan gacan-taag ah ka dib markii ay tanaasuleen murashaxiintii la tartamaysay isla maalinkaas doorashada. Kuraasta qaabka codaynta ah lugu doortay laftooda, waxaa lugu doortay aqlabiyad aad u saraysa oo farqigeedu (margins) gaarayo 4:1. Ficiladaan ayaa sii wiiqaya sumcadda heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, waxayna shaki gelinayaan hufnaanta iyo kalsoonida hannaanka doorashada.

Gudaha goobaha doorashada lugu qabto, korjoogayaasha waxaa loo diiday oo laga xanibay in ay isticmaalaan moobaylada iyo qalabyada muhimka u ah qabashada xogaha iyo korjoogtaynta doorashada.

Iyadoo 21 maalmood ay ka harsan tahay mudadii lagu soo dhameystirayay doorashada Golaha Shacabka, waxaa lama huraan ah in Guddiyada Federaalka iyo Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada ay hirgeliyaan habraaca doorashada si waafaqsan qodobbada heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Haddaba, si loo xaqiijiyo sharcinimada doorashada iyo kalsoonida, rajada muwaadiniintuna ay soo noqoto, Nala Ogaada waxay soo jeedinaysaa talooyinka soo socda:

  1. Inta aan la dooran kursi kasta oo ka tirsan Golaha Shacabka waa in la hubiyaa, la diiwaangeliyo lana daabacaa magacyada xubnaha Guddiga Xulista Ergada oo ka kooban odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ah. Ergada waa in aan laga xadididn oo ay la falgalaan murashaxiinta.
  2. Murashax kasta oo buuxiyay shuruudaha murashaxnimada ee hanaanka doorashada waa in aan loo diidin in uu u tartamo kursiga qabiilkiisa/qabiilkeeda, waana in uusan jirin kursi si dadban iyo si toos ah loogu xiro murashax.
  3. Korjoogayaasha maxalliga ah ee madaxa banaan waa in aan loo diidin in ay korjoogteeyaan marqaatina ka noqdaan hannaanka xulista ergada.
  4. Guddiga Xulista Ergada, warbaahinta iyo korjoogayaasha madaxa-banaan waa in ay marqaati iyo goobjoog ka ahaadaan hanaanka xulista kursi kasta.
  5. Korjoogayaasha maxalliga ah waa in loo suurtageliyo in ay si dhamaystiran u korjoogteeyaan hawlaha doorashada ayadoo loo ogolaanayo dhammaan qalabka muhimka ah sida moobaylada iyo waraaqaha xog uruurinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here