Aqriso: Koonfur Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada 13 kursi

0

BARAAWE (SMN) – Guddiga maamulka doorashada kuraasta taalla Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey liiska 13 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee ay deegaan doorashadoodu tahay Baraawe.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada qaybta koowaad ee kuraastan la qaban doono 16-ka bishaan, halka qaybta labaad la qabanayo isla maalinta xigta ee ay taariikhdu tahay 17-ka Febraayo ee sanadkan 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa dardar-gelineyso doorashada Baarlamaanka, taas oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishan aynu ku jirno, si loo fuliyo heshiiskii doorashooyinka ee magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here