Aqriso: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay guddi cusub

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Guddi kumeel gaar ah u saaray wax u qabashada dadka laga soo musaafuriyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Mudane Cabcadisiis ayaa shan Wasiir u xilsaaray inay baadi gooban hantida ka maqan dadka laga soo barakiciyay magaaada Laascaanood ee Gobolka Sool, isagoo falkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid baarmarsan Diinta iyo hanaanka Dhaqanka dadnimada Soomaaliyeed, isla markaana meel ka dhac ku ah xaquuqda Aadanaha ee caalamiga ah ee ay ku kacday Somaliland.

Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, waxaana afarta Wasiir ee kale ay kala yihiin Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta Axmed Madoobe Nuunow, Caafimaadka Maxamed Cusmaan Xaaji, Gaadiidka Xasan Xuseen Maxamed iyo Maareynta musiibooyinka Cabdinaasir Cabdi Caruush, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmad iyo dib u dajinta muwaadiniinta laga soo musaafuriyay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Lifaaqa Hoose ka akhirso guddiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here