Aqriso: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sameeyey magacaabis

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash) ayaa wareegto uu saaray waxa uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug.

Karaash, ayaa guddoomiyaha gobolka Mudug u Magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, magacaabistaan ayaa noqonaysa midii ugu horreysay ee uu sameeyo madaxweyne ku-xigeenka tan iyo markii Saciid Deni uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax madaxweyne, una soo wareegay magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.

Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Sheekh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland, wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here