Aqriso: Maxaa kasoo baxay wada-hadaladii Rooble & musharixiinta?

0

MUQDISHO (SMN) – Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaaraha  XFS iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa wax ay uga wada hadleen arimaha doorashooyinka dalka .

Midowga Musharaxiinta ayaa walaac weyn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay  iminka wax u socdaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxda Musharaxiinta uga warbixiyay dadaalkiisa joogtada ah ee la xariira xaqiijinta hufnaanta doorashada waxa uuna la wadaagay inuu faray  Guddiyada doorashada in  ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu hishiiyay ee doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha isaga oo tixgalinaya tabashooyinka la xiriira daahfurnaanta doorashooyinka  ee ay muujiyeen Midowga Musharaxiinta ,dareenka shacabka Soomaaliyeed  iyo Bulshada Caalamka ayaa waxa uu ballan qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiyada  Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed  iyo heer Federaal uu u qabanayo  sidoo kale shir foogaan arag ah kaas oo lagaga hadlaayo daahfurnaata doorashada isaga oo caddeeyay in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xadgudubta hufnaanta doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here