Maxaa kasoo baxay wada-hadallada u socdo Farmaajo iyo Rooble?

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si loo soo afjaro xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Halkan hoose ka aqriso wararkii ugu dambeeyey:-

Shirku waa socdaa wali, waxaa guud ahaan la isla fahmay in amniga guud ee dalka uu ka masuul yahay Madaxwanaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha JFS uu masuul ka yahay arimaha doorashooyinka oo ah barnaamijka xukuumaddiisa ugu wayn.

Hadda waxaa loo gudbay sidii loo xallin lahaa khilaafaadkii iyo madmadowgii soo kala dhexgalay labada dhinac, kuwaas oo u badan arimo ku xidhiidha sharciga iyo dastuurka. Waxaa loo saaray giddi farsamo oo ka kooban Madaxwayanayaasha qoorqoor iyo laftagareen, wasiiro iyo xildhibaanno. Waxaa lag wada hadlayaa sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaanta taaagan.

Arrintan farsamadu waa qodobka ugu xaasaasi san shirkan u socda hogaamiyayaasha dalka, haddii la isku fahmi waayo waxaa suura gal ah in shirka lagu kala tago.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in haatan Madaxda ay ka shirayan kiiska Ikraan Tahliil iyo cida ay tahay in loo daayo, hasa ahaatee waxaa isfaham laga gaaray qodobadii kale ee la isku haye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here