Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Lafta Gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac.
Safarka Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed waxaa ku weheliya Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaarka mid ah agaasinka Xafiiska Madaxweynaha.


