Faah faahino kasoo baxaya iska hor imaad ka dhacay magaalada Beledweyne

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan General Abuukar Xuud oo saaka ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka billowday xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jabis, kadib markii ay gudaha u galeen maleeshiyaadka uu wato General Xuud oo kasoo horjeedo maamulka HirShabelle.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana dadka deegaanka ay shegeen in la’isku adeegsaday huubka noocyadiisa kala duwan.

Iska hor imaadka ka dhacay Beledweyne ayaa kusoo aadayo, xilli maanta la filayo in shirka golaha wasiirada HirShabelle lagu qabto gudaha magaaladaasi oo maalmihii dambe uu ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here