Aqriso: Wasaaradda arrimaha dibadda oo baaq culus soo saartay

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa waxa uu caddeeyay in wadatashiga siyaasadda qaran ee qurbajoogta uu marayo heer gabogabo ah, isagoo ugu baaqay guddiga lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda inay fikirkooda iyo hal-abuurnimadooda ku muujiyaan dejinta siyaasadani.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo maanta oo Isniin ah ka hadlayay kulan ay guddiga lataliyeyaasha Wasaaradda ku yeesheen Muqdisho, kana dhiibanayeen aragtidooda ku aaddan siyaasadda qaran ee qurbajoogta ayaa waxa uu sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin xoog leh ka qaateen dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka, dib u dhiskiisa iyo maalgashigiisa.

Guddiga latalinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxaa ka mid ah safiirro hore iyo diblomaasiyiin khibrad leh oo uu madax u yahay Danjire Dr. Cilmi Axmed Ducaale, waxayna howlo heer sare ah ka hayaan wasaaradda.

Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Ibraahim Guure Maxamed, ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) oo fududeysay howlaha kala duwan ee wadatashiga ee Waaxda, isagoo xusay in Kooxdiisu ay uruurineyso soo jeedinnada iyo fikradadaha la soo gudbiyay si ay isku dheeli-tiraan oo ay ugu daraan Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta oo la filayo in si rasmi ah loo soo bandhigo dhammaadka bisha May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here