Askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa lag helayaa dil xalay ka dhacay degmada Kaaraan, kaas oo loo geystay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dilka ayaa waxaa fuliyey dabley hubeysan, kuwaas oo toogasho ku khaarijiyey labo askari oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale labada askari ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmedey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in raggii ka dambeeyey dilkaasi mid kood goobta lagu toogtay, halka kuwii kalena ay baxsadeen, kadib dhacdada.

Falkan dilka aha ayaa ku soo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyey ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga ka wadeen magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here