Askar ka tirsanaa ciidamada Kenya oo lagu dilay weerar ka dhacay Lamu

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Xeebta Laamu ee dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan afar askari oo ka tirsanaa ciidamada booliska Kenya, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday ciidamada, xilli ay la socdeen gaari  isaga kala gooshayay deegaano ka tirsan Ismaamulka gobbolka Lamu ee Kenya.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli Arbacadii lasoo dhaafay ay dowladda Kenya bandow ay kusoo rogtay deegaankada Lamu, kadib weeraro kala duwan oo isbuucii hore ka dhacay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here