Axmed Madoobe oo furay kalfadhigga 5-aad ee baarlamaanka Jubbaland

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta daahfuray Kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Jubaland.

 

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay muhiimada uu kalfadhigan u leeyahay Dowlada Jubaland iyo mudanayaasha golaha wakiilada oo ay horyaalan sharciyo ahmiyad weyn leh oo ay tahay in laga shaqeeyo Inta uu kalfadhigan socdo.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay mudanayaasha golaha shaqada adag ee ay bulshada u hayaan iyagoo xooga saaraya ka mira dhalinta himilooyinka shacabka ree Jubaland.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan fatahaadaha iyo daadadka ka jira Jubaland isagoo xusay in dad farabadan ay ku barakaceen fatahaadaha, burbur xoog lehna uu soo gaaray kaabayaasha bulshada.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Dowlada Federaalka ah ku bogaadiyay guulaha ay ka gaartay in dalkeenna laga qaado cunaqabataynta hubka iyo ku biirista ururka bulshada bariga Afrika.

Waxaa kale oo uu Madaxweynahu ka hadlay dhamaystirka dastuurka Federaalka ah isagoo xusay in ahmiyad weyn ay leedahay in laga gudbo dastuurka qabyada ah isla markana go’aamada ay gaareen madasha wadatashiga ay rajo weyn ka qabaan in labada aqal ee Baarlamaanka ay meel mariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here