Axmed Madoobe oo ka tacsiyeeyey geerida xildhibaan Maxamed Cabdi Kilaas

MadaxweynahaJubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u Naxariistii xildhibaan Maxamed  Cabdi  Kilaas, oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii 1-aad ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelkii, qaraabadii, iyo Saxiibadii Marxuumku uu ka baxay isagoo Allah “SWC” uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.