Axmed Madoobe oo Kismaayo kula kulmay guddiga doorashada FEIT

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee degmada Ceel-waaq iyo sidii loo dardar galin qabashada doorashada 16-ka kursi.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday inJubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaalka Muuse Geelle ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo si loo o dardar geliyo dhammeystirka goob-doorashada labaad ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here