KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay madaxda hay’adaha gargaarka ee ka howlgala deegaannada Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulanka ayaa lagaga hadlayay sidii hay’adaha gargaarka qeybahooda kala duwan ee ka howlgala Jubaland ay u dardar galin lahayeen gurmadka ay u baahan yihiin dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira deegaannada maamulkaas.
Jubbaland ayaa waxaa ku dhuftay fatahaado xoogan oo si weyn looga dareemay saddexda gobol ee maamulkaasi, sida Gedo, Jubbada Hoose & Jubbada Dhexe ee koonfurta dalka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-