Beesha Caalamka oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan Puntland

0

MUQDISHO (SMN) – Xubnaha Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa si wadajir warsaxaafadeed uga soo saaray xaaladda cakiran ee ka taagan maamulka Puntland.

 

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay si weyn uga walaacsan tahay xiisadda ka taagan Garoowe oo ay weli isku horfdhiyaan ciidamada ammaanka ee Puntland iyo kuwa kale oo taabacsan xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Deni.

Halkan hoose ka akhriso:-

Saaxiibada beesha caalamka* waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro.

Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.

Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.

Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here