Axmed Madoobe oo qaabilay wafdi ka socday DF Soomaaliya

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Kismaayo kulan kula qaatay guddiga abaaraha oo ka socday dhanka xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Guddigan ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana ay warbixin ka dhageysan doonaan Jubbaland iyo sida looga jawaabi karo abaaraha ka degaanadeeda.

Si kastaba, Gobollada Jubbooyinka ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah ugu daran ee ay saameeyeen abaaraha ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here