Axmed Madoobe oo war cusub kasoo saaray doorashada Garbahaarey

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay la hadlayay xildhibaanada labada aqal ee federaalka ee dhowaan lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay in inta ay maqanyihiin kuraasta 16-ka ah ee loo asteeyay in lagu doorto magaalada Garbahaarey.

Axmed ayaa sheegay in uu doonayo in kuraastaasi doorashadooda ay u dhacdo qaab caddaalad ah oo tartan furan ah, ciddii rabtana ay isu soo sharaxdo, beesha caalamkana ay goobjoog ka noqoto.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan ogoleyn qorshe beesha caalamka ay usoo jeedisay oo ahaa in kuraasta la kala qeybsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here