Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo doortay Gudoomiye rasmi ah

0

BAYDHABO – Dr Cali Saciid Fiqi ayaa ku guuleystay in mar kale Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed kadib doorasho ka dhacday Baydhabo.

 

Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa helay 67 cod Halka Musharixii la tartamayay ee Diini Shekh Xasan uu helay 11 cod.

Waxaa codeeyay 80 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka 3aad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo hadda u codeynaya Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here