Baarlamaanka Soomaaliya oo Dhameystiray Doodda Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka

0

Muqdisho, Soomaaliya — Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 16-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

 

Ugu horreyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u codeeyey laba xubnood oo ka bannaanaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta, kuwaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Golaha warbixin ka siiyey shaqsiyaadka ay wasaaraddu u soo xushay inay ka mid noqdaan Guddiga, isaga oo Xildhibaanada ka codsaday inay codkooda kalsoonida ah siiyaan.

Intaas kaddib, Golaha ayaa u codeeyey labada xubnood ee ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Natiijada codbixinta ayaa noqotay 124 Xildhibaan oo oggolaatay, 21 Xildhibaan oo diiday, halka laba Xildhibaan ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa dhameystiray akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaashaandhigga, kaas oo Xildhibaanadu ay horey u bilaabeen akhrintiisa koowaad.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka dooday dhibaatada burcad-badeedda iyo saameynta ay ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay saameyn weyn ku leedahay xasilloonida gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo soo xiray kulanka ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka kula dardaarmay inay joogteeyaan ka qeybgalka fadhiyada Golaha, si uu Baarlamaanku u guto waajibaadka ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.May be an image of the Oval Office, dais and textMay be an image of one or more people and daisNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here