Bargaan oo xalay guul ka gaartay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir

0

Tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waxaa xalay ku loolamay deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud iyo degmada Boondheere ee gobolkan Banaadir.

Bargaan iyo Boondheere oo ku wada jiray group-ka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha deegaanka Bargaan.

Cali Cumar Cabdalle oo ka mid ah howl-wadeenada tartanka oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Boondheere ay la timid 10 dhibcood, halka Bargaan ay keensatay 14 buundo.

Sidoo kale waxaa caawa barnaamijka tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Dayniile iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here