Muqdisho – Barnaamijka dood-wadaagga ah ee “Garnaqsi” oo ay qabato Warbaahinta Shabelle ayaa lagu qabtay xarunta warbaahinta ee magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saaray doorka dhalinyarada iyo arrimaha doorashooyinka dalka.
Barnaamijka ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dhalinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ka kala yimid Degmooyinkad kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Intii uu socday doodda, waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda doorashooyinka dalka, gaar ahaan khilaafaadka ka taagan, iyo sida ay dhalinyaradu uga qeyb qaadan karaan xallinta arrimahaasi.
Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada la siiyo door muuqda oo ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda, maadaama ay yihiin qaybta ugu badan bulshada Soomaaliyeed.
Barnaamijka “Garnaqsi” ayaa ah madal lagu falanqeeyo arrimaha muhiimka ah ee dalka, iyadoo lagu dhiirrigeliyo wada-hadal furan iyo isdhaafsiga fikradaha bulshada dhexdeeda.
halkan Daawo Dooda oo dhameystiran.




