Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay dhammeystirka doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Saaxiibada caalamig ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay la socdaan in doorashada in ka badan boqolkiiba 80 ee kuraasta Golaha Shacabka lagu dhameystiray waqtigii ay u qabteen Golaha Wadatashiga Qaran ee 15-ka Maarso, waxaana ay ugu baaqeen dhamaan dhinacyada ay quseeso in caqabadaha ku hor gudboon dhameestirka Doorashada kuraasta harsan lagu xaliyo wadahadal iyo wadar ogol, sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afmeero Doorashada.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ayaa loogu baaqay inay ka foggaadaan geeddi-socodyo is garab socda, oo aan ku saleysneyn heshiis ey u dhan yihiin dhinacyada muhiimka ah. Waxaana beesha Caalamka Mar kale ay ku Celisay ilaalinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee BFS,

Dhinacyada Soomaalida ayaa Beesha Caalamku ugu baaqday in ay u diyaar garoowaan Hangarka si loo Doorto gudoonka Labada aqal ee BFS Iyo tan Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here