Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay nin weerar ka geystay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

 

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir oo ka warbixiyay howlgalkaas ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka lagu soo qabtay nin lagu eedeeyay in weerar loo adeegsaday madaafiic uu ka geystay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Deerow Buule ayaa talisku waxa uu tilmaamay in la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Qoraalka kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir ayaa lagu yiri “25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa AS  waxay weerar gantaalo macmal ah ku qal qal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geesan. Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen Ciidamada qaabilsan sugidda amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen SHAQSIGII  hogaaminayay kooxdii  weerarka soo qaaday, kaas oo magaciisa ku sheegay, Xuseen Cali Deerow Buule waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda ku shaqada leh danbiyada noocaan oo kale ah”.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo culus ka waday gudaha caasimada, kuwaas oo looga hortagayay falalka amni darrada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here