Boqolaal qoysas ah oo weli ku go’doonsan fatahaadaha ku dhuftay Jubbaland

0

KISMAAYO (SMN) – Agaasimaha wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira deegaanada maamulkaasi, waxaana uu sheegay in weli qoysas ka badan 130 kun ay ku go’doonsan yihiin fatahaadaha ku dhuftay deegaanada Jubbaland.

Gaarane ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay sii kordheyso dhibaatada ay gaysteen fatahaadaha, gaar ahaan dhimashada, wuxuuna sheegay inay gaartay illaa 20 qof.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dad ku dhow nus milyan qof ay ku barakaceen fatahaadaha xoogan ee sanadkan ku dhuftay deegaanada maamul goboleedka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale uu xaqiijiyay in weli ay biyaha ku go’doonsan yihiin qoysas kale oo Soomaaliyeed, kuwaas oo u baahan gargaar samata bixin ah.

Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay saameynta ku yeelatay xaaladda Elnino, gaar ahaan roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay saddexda gobol ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here