Burcad-badeed lagu qabtay xeebaha dalka Soomaaliya oo la geeyay Hindiya

0

MUMBAI (SMN) – Waxaa magaalada Mumbai la geeyay 35 burcad badeed Soomaali ah si halkaas maxkamad looga soo taago, maalmo kadib markii ay ciidamadeeda badda India qabteen iyagoo haysta markab xamuul oo xeebaha Soomaaliya ku adfuubeen.

 

Markab dagaalka oo India leedahay oo INS Kolkata lagu magacaabo, ayaa ka qeyb qaatay howlgalka lagu qabtay burcad badeeda, kadib iska hor-imaad saacado qaatay.

Afduubkii markabka MV Ruen bishii December, ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 2017-kii oo lagu guulaysto.

Ciidamada Kumaandooska Hindiya ayaa la wareegay markabka 17-kii bishii Maarso, meel (480 km) u jirta xeebaha Soomaaliya, waxayna soo badbaadiyeen 17 shaqaale ah oo 9 ka mid ah ay u dhasheen Myanmar, 7 ka mid ah Bulgaria iyo hal qof oo Angola u dhashay.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Vivek Madhwal ayaa todobaadkan sheegay in tani ay noqonayso markii ugu horeysay muddo toban sano ka badan oo burcadbadeedda lagu qabto badda.

Sida uu qabo sharciga Hindiya ee ka hortagga burcad-badeedda, raggan waxay wajihi karaan xukun dil ah haddii lagu helo dil ama isku day dil, iyo xabsi daa’in.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here