Sawirro: Shir xasaasi ah oo Farmaajo, Shariif iyo Deni uga furmay Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe  waxaa maanta ka furmay Shir looga hadlayo Xaalada Dalka gaar ahaan wax ka bedelka Dastuurka, waxa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,  Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ah Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , Guddoomiyaha Golaha Wakillada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakillada Puntland Mudane Maxamed Baari , Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Goleyaasha Dowladd goboleedka Puntland.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo dood ay ka taagan tahay.

Madaxweynayaashii hore iyo hoggaanka Puntland ayaa si weyn uga soo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here