Burcad-badeed Soomaali ah oo la sheegay inay afduubteen markab ganacsi oo marayay xeebaha Yemen

0

Gacanka Cadmeed – Kooxo hubaysan oo la rumeysan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay la wareegeen markab ganacsi oo marayay xeebaha Yemen, xilli ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo amniga maraakiibta isaga kala goosha xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

 

Sida ay saraakiil amni u xaqiijiyeen wakaaladda wararka AFP, lix nin oo hubaysan ayaa dooni kalluumeysi kaga soo baxay xeebaha Puntland, iyagoo markii ay gaareen Yemen dhexgalay bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, si aysan u soo jiidan dareenka dadka deegaanka.

Markabka la afduubtay ayaa lagu magacaabaa MV Marsa Virgo, wuxuuna ku safrayay calanka Panama, waxaana la sheegay inay saarnaayeen 19 shaqaale ah oo markii ay dhacdadu dhacday isku xiray qol ammaan ah oo markabka ku yaalla. Hay’adda la socodka amniga maraakiibta ayaa xaqiijisay in kooxaha hubaysan ay la wareegeen markabka, kaas oo la sheegay in loo jiheynayo dhinaca biyaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Xarunta Amniga Badda ee Badweynta Hindiya (MSCIO), oo hoos tagta howlgalka Midowga Yurub ee Atalanta, ayaa digniin ka soo saartay dhacdo kale oo la xiriirta koox hubaysan oo la sheegay inay raacday markab ganacsi oo ku sugnaa Gacanka Cadmeed, meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Sida lagu sheegay digniinta, lix qof oo hubaysan ayaa markabka fuulay abaare 06:55 xiliga Geeska Afrika , meel qiyaastii 120 mayl-badeed waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso. Shaqaalaha markabka ayaa isku badbaadiyay gudaha qeybta amniga ee markabka, iyadoo aan illaa hadda la soo sheegin wax dhaawac ah.

MSCIO ayaa maraakiibta ka howlgala aagga kula talisay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, raacaan habraacyada amniga badda, isla markaana si degdeg ah u soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo kordhayaan walaacyada ku saabsan dib-u-soo laba-kacleynta burcad-badeednimada xeebaha Geeska Afrika, iyadoo warbixinta la soo gudbiyay ay tilmaamayso in tan iyo bishii Abriil la diiwaangeliyay ugu yaraan 16 weerar oo la xiriira amniga maraakiibta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here