Burundi oo shaacisay tirada askarta ee looga dilay weerarkii Ceel Baraf

0

MUQDISHO (SMN) – Xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo ku hubeysan qoryo iyo walxaha qarxa ayaa shalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo lagu dilay askar ka tirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ex AMISOM.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 30 askari laga dilay, 22 kalena laga dhaawacay, halka tobaneeyo kalena la la’yahay.

Ciidamada AMISOM ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah kadib weerarkii subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku dhow deegaanka Ceel-Baraf.

Wararka laga helayo Burundi ayaa sheegaya in ku dhawaad ​​400 oo dagaalyahano Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen saldhiga kadib markii ay qarxiyeen labo baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here