Cabdi Xaashi yo Mahdi Guuleed oo heshiis ku gaaray magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guleed ayaa maanta heshiis ka gaaray khilaafkii muddada ka taagnaa maamulka doorashada ee kuraasta labada ee gobollada waqooyi ama Somaliland.

Labada garab ayaa ku heshiiyey illaa afar qodob, iyada oo guddoomiye ku xigeenka guddiga iyo madaxa amniga la siiyey garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in la soo afjaro hilaafkii ka dhexeeyey, sidoo kalena deg deg loo guda-galo qabashada doorashada kuraasta gobollada waqooyi.

Halkan hoose ka aqriso qodobada heshiiska:-

1-In lasoo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

2-In la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashada heer Somaliland (GMDHSL), iyada oo garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay qaadanayaan guddoomiye ku xigeenka guddiga iyo madaxa amniga iyo logistikada.

3-In lasoo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta gobollada waqooyi (Somaliland), loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan laheyn.

4-In si sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda-galo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here