Cabdicasiis Lafta Gareen oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee la doortay

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa hambalyo u diray Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo caawa ku guulaystay Tartanka Madaxweynanimo ee Dalka, waxaan Rabi uga barinayaa inuu xilka la garab galo kuna asturo

Lafta Gareen ayaa ku ammaanay labada aqal ee Baarlamaanka cusub iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hannaanka doorashooyinka dalka oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyey laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Alle uga rajeeyey Madaxweyne Xasan Shekh in uu waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here