Cabdisaciid oo soo bandhigay mowqifka DF ee iskaashiga Turkiga & Afrika

0

ISTANBUL (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ka qayb galay Meertada Saddexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika oo maanta jewi heer wasiirro ah kaga furmay magaalada Istanbuul.

Shirka ayaa lagu lafo-guray horumarinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika ee dhinacyada amniga, maalgashiga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, warshadaha iyo wax-soosaarka beeraha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo bandhigay mawqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka iyo iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika, fursadaha badan ee ka jira dalkeenna iyo qorshayaasha lagu horumarin karo xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika waxa uu Dalka Turkiga ka bilowday sannadkii 2008-dii, iyada oo meertadiisii labaadna lagu qabtay sannadkii 2014-kii caasimadda Malaabo ee dalka Equatorial Guinea, halka meertadisii saddexaadna ay maanta ka furantay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here