Cabdiweli Gaas oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Mudane Cabdiwali Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maanulkaasi, gaar ahaan muranka hareeyay doorashooyinka ee u dhexeeyo madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

 

Ugu horreyn Gaas ayaa soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay Isimada Dhaqanka, waxaana uu sheegay in marka hay’adaha dastuuriga ah ay shaqadooda gabaan ay odayaashu soo dhex-dhexaadin jireen khilaafka Puntland.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ugu baaqay inuu doorashada dhexda soo dhigo, uuna ku qabto xilligeeda oo ah siddeeda bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay doorashada, kadib markii ay madaxtooyadu sheegtay inay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, mucaaradkuna ay ka biyo diiday, maadaama uu sii dhamaanayo muddo xileedka hay’adaha kala duwan ee maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here