Safiirka JFS ee Sacuudiga oo la kulmay howlwadeenada Qunsuliyada Jiddah

0

RIYAD (SMN) – Danjiraha cusub ee safaaradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya Mudane Aweys Xaaji Yuusuf ayaa magaalada Jiddah kula kulmay maamulka Qunsuluyadda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa la socodka howlaha shaqo ee ka socda xarunta qunsuliyadda iyo sida loo maareeyo bixinta adeehayo bulshada ee ku dhaqan dalkaasi.

Danjiraha cusub ee safaaradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya Mudane Aweys Xaaji Yuusuf,waxa uu kula dardaarmay maamulka qunsuliyadda in wax kasta laga hormariyo daboolidda baahida dadka ee dhinaca adeegyada ay u abaahan yihiin sida helidda baasaborka iyo Fiisaha.

Madaxa Qunsiliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jiddah Axmed Maxamuud Diiriye Macruuf ayaa ka warbixiyay baaxadda shaqo ee ay ka fuliyaan xarunta iyo sida habsamida leh ee ay u gutaan howlahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here