Cali Balcad oo Beeniyey Wararka la Xiriira Kulan ay Safaaradda Mareykanka u Qabaneyso DFS iyo Mucaaradka

0

MUQDISHO — Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ali Balcad, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Embassy of the United States in Somalia ay qabanqaabinayso kulan u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka si xal looga gaaro khilaafka ka taagan hanaanka doorashooyinka dalka.

 

Cali Balcad ayaa sheegay in aanu jirin kulan loo qorsheeyay 13-ka bishan May, isla markaana safaaradda Mareykanka aysan si toos ah ugu lug lahayn xiisadaha siyaasadeed ee hadda ka jira Soomaaliya.

“Safaaradda Mareykanka diyaar uma ahan inay si toos ah ugu lug yeelato xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya xilligan. Ma jiro kulan la qorsheeyay, mana jirto wax faragelin ah oo safaaradda ka waddo Muqdisho,” ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay qorshaha dowladda federaalka ay ku doonayso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taasoo mucaaradku ku doodayaan in aysan jirin wadatashi siyaasadeed oo ku filan.

Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ay raadinayaan faragelin caalami ah, isagoo ku eedeeyay inay warqado u direen safaaradaha ku yaalla xerada Halane compound iyo World Bank, si cadaadis loogu saaro dowladda federaalka loogana joojiyo taageerada dhaqaale ee la siiyo Soomaaliya xilligan kala-guurka siyaasadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad, halka mucaaradku ay sii wadaan dhaliilaha ku aaddan habka dowladda u maareyneyso dib-u-habeynta doorashooyinka iyo wadatashiyada qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here