Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka tacsiyeeyey geerida Cali Ibraahim

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Mashaariicda Gobolka Shabeellaha Dhexe Marxuum Cali Ibraahim Beesh oo maanta ku geeriyooday Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku ahaa shaqsi karti iyo wadaniyad ku sifoobay kaalin buuxdana ka qaatay dhismaha iyo aas-aaska Dowladnimada Hirshabelle.

Madaxweynaha oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowlad Goboleedka, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii eheladii, iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here