Guudlaawe oo la kulmay xildhibaanada kasoo jeeda HirShabelle + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa kulan la qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee BJFS ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa Mudanayaasha Aqalka Sare kala hadlay inay dadaal badan ku bixiyaan sidii uu Senator Cali Shacbaan Ibraahim ugu guuleysan lahaa doorashada tartanka Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana haatan gudaha caasimada laga dareemayaa diyaar garow ku aadan doorashadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here