Cali Guudlaawe oo wada-hadallo la yeeshay safiirka dalka Mareykanka

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa khadka talefonka kula hadlay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya Danjire Larry Andre’.

Cali Guudlaawe iyo Danjiraha oo kulankooda ahaa isbarasho waxayna sidoo kale ka wadahadleen xaaladaha amniga, dhameystirka arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta qoondada haweenka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faah faahin ka bixiyay arrimaha amniga, qancinta beelaha iyo sidii daahfurnaan loogu dhameystiri lahaa doorashooyinka.

Dhanka kale Danjiraha ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha sida hufan ee uu u maareeyay dadaalada dib u heshiisiinta iyo arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here