Cali Guudlaawe oo war kasoo saaray geerida Xildhibaan Maxamuud Siyaad

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tacsi tiraanyo leh u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha u naxariistee marxuum xildhibaan Maxamuud Siyaad Barkhadle oo xalay ku geeriyooday dalka Hindiya.

 

Cali Guudlaawe ayaa xusay in marxuum Maxamuud Siyaad uu kaalin weyn kasoo qaatay dhismahaHirshabeelle, waxaana uu Golaha Sharci-dejinta soo galay markii la dhisayay maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa uu ahaa mudanaha ugu da’da weyn Baarlamaanka Hirshabeelle ee waqtigan waxana uu ahaa shir-guddoonka golaha ka hor inta aan la doorran guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.

“Inna lillaahi wa inna ilayhi raajicuun, Alle ha u naxariisto marxuum Maxamuud Siyaad Barkhadle oo ka mid ahaa Baarlamaanka Hirshabeelle waxa uu door muuqdo ka qaatay dhismaha  Hirshabeelle.”

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Alle ugu baryey marxuumka inuu hoygiisa ka yeello Janatul Fardowsa.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here