Cali Guudlaawe oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii SEIT ee HirShabelle

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada gudiga hirgalinta doorashada dowladda Hirshabeelle ka qaaday Mudane Axmed Xasan Diini.

Cali Guudlaawe ayaa xubinimada guddiga uu magacaacabay Mudane Maxamed Xuseen Maxamed Waadi.

Diini ayaa waxaa lagu eedeeyey xagal daacin, hufnaan la’aan shaqo iyo inuu guddiga ka leexiyay habsami u socodkii iyo habraacyada doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here