Ciidamada dowladda Ruushka oo gudaha u galay magaallo muhiim ah

0

KYIV (SMN) -Ciidamada Ruushka ayaa wadooyinka magaalada Mariupol kula dagaallamaya xooggaga Ukraine, xilli magaaladaas laga soo sheegayo xaalad bani’aadannimo oo adag.

Dedaallo lagu sama bixin lahaa boqolaal qof oo ku hoos jira burburka tiyaatarta Mariupol ayaa hakaday dagaalka u dhexeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine awgii.

Xukuumadda Kyiv ayaa Moscow ku eedaysay inay si bareer ah Arbacadii u duqaysay tiyaatarka oo hooy u ahaa boqolaal qof oo rayid ah, eedeyntaas oo uu beeniyay Ruushka.

Qaar ka mid ah dadka kooban ee ka baxsaday magaalada Mariupol ayaa sheegay in xaalad adag ay halkaa ka jirto, isla markaana ay biyaha iyo koronta ka go’an yihiin magaalada.

Duqa magaaladaas ayaa ciidamada soo duulay ku eedeeyay inay si sharci darro ah kumannaan qof oo magaalada ku sugnaa u geeyeen gudaha Ruushka. Ma jirto cid xaqiiijisay warkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here