Caro xoogan oo ka dhalatay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Idiris Xasan Faarax oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa jawaab ka bixiyay hadal caro xoogan dhaliyay oo ka soo yeera madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo 18-kii bishaan sheegay in dagaalka Laascaanood ay sii wadi doonaan, isla-markaana ay iyagu hayaan furaha dagaalkaas, sida uu hadalka u dhigay.

 

Idiris ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna sheegay in uu dab kusii shiday dagaalka weli ka socda aagga Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku sii daray in madaxweynaha Somaliland lagula xisaabtami doono dagaalka uu ka geystay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa weli kacsan, ayada oo markale ay dagaalladu dib uga sii qarxeen magaaladaas, gaar ahaan galbeedka iyo bariga xarunta gobolka Sool oo dhowr bilood ay ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here