Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Qaranka, Abdiraxman Caynte, ayaa xalay khudbad kulul ka jeediyey xaflad lagu daahfurayey xisbi cusub oo uu hogaaminayo, taasoo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Khudbaddiisa ayaa si gaar ah diiradda u saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo digniin adag u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Caynte ayaa uga digay madaxweynaha in uusan isku dayin inuu hal maalin ku darsado muddo xileedkiisa, isagoo xusay in dastuurku si cad u dhigayo in muddo xileedka madaxweynaha uu ka harsan yahay 10 bilood oo kaliya.
“Waa waajib in la qabto doorasho heshiis lagu yahay oo la isla oggol yahay. Ma aqbaleyno muddo kororsi, mana aqbaleyno qalqal siyaasadeed oo hor leh,” ayuu yiri Caynte.
Dhankiisa, Caynte ayaa sidoo kale dhaliilay dowladda dhexe, isagoo ku eedeeyey in ay waddanka gelisay hubanti la’aan siyaasadeed maadaama ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo caddeyn nooca doorasho ee dalka lagu qaban doono.
Wasiirku wuxuu sheegay in haddii muddo xileedka madaxweynaha uu dhamaado iyadoo aan doorasho la qaban, ay taasi la mid noqon doonto laba guddoomiye xisbi oo siman, ayna tahay in laga tashado aayaha dalka maalintaas.
“Haddii muddo xileedkii uu dhammaado, Xasan Sheekh wuxuu noqonayaa guddoomiye xisbi, aniguna waxaan ahay guddoomiye xisbi kale. Ma jirto cid ka sarreysa cid kale. Aayaha dalka si siman baan uga tashan doonnaa,” ayuu ku adkeeyay.
Hadalkan Caynte ayaa imaanaya xilli siyaasiyiinta badan oo Soomaaliyeed ay dowladda ku dhaliilayaan in ay waddo waddo qardo jeex ah iyo qorshe doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.
Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku adkaysaneysa in dalka uu wajahayo doorasho qof iyo cod ah, waddadiina ay hayaan.




