CC Shakuur oo war xasaasi ah kasoo saaray xadgudubka dowladda Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu ku baahiy bartiisa gaarka ah facbook ku cabiray damaca gurracan ee Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo xalado adag uga furanyihiin gudaha Itoobiya, isagoo sheegay in Xadgududbkaas yahay mid u daran dowladda Itoobiya marka la eego waxa ka socda dalkaas.

 

Halkan hoose ka Akhriso qoraalka Siyaasi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ⬇️

“Xadgududbka ay Itoobiya kula kacayso Soomaaliya waa mid iyada u daran, sababtoo ah waa dal kala socda oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan.

1- Qowmiyadda Tigreega horay ayaa ku dhowaaad hal milyan oo qof looga dilay, dib isku diyaarin bay ku jiraan.

2- Gobolka Amxaarada bandow baa saaran, laakiin jabhaddoodu mararka qaar Addis-Abbaba ayey ilaa 100km u soo jirsataa.

3- Heshiiskii dawladda iyo Jabhadda Oromada wuu burburay, Wasiiru dawlihii Wasaaradda Nabadda Mr Taye Dandea ee dawladdu ku eedeyey in ay ka danbaysay fashilka heshiiska Xabsiga ayaa la dhigay, jabhadduna duleedka Caasimadda ayay ka dagaalantaa.

4- Dagaalladaasi waxay dalka geliyeen qarash balaayiin doolar, intaa waxaa u dheer in taliskii Tigreegu uu horay u xaalufiyey qasnadda dawladda, halka musuqa baahsan u sii dheer yahay, kuwaas oo sababay in dawladdu ay daynta iska bixin la’dahay.

5- Maamulka Abiy Inta badan deriska iskuma wanaagsana, dunida kalana cidna taageero kaga heli mayo in xiisad hor leh geeska Afrika ka aloosanto, iyadoo kuwii hore loo taag la’yahay.

Halka Soomaaliya uu yahay;

1- Dal isku soo noqonaya, dadkiisuna isku imaanayaan.

2- Dayntii laga cafiyey, cunaqabatayntii hubka laga qaaday, taasoo u saamaxaysa in dalku dhisto ciidan Soomaaliyeed oo ammaanka dalka la wareega, ilaaliyana gobbonimada, madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

3- Waxaanu leenahay qurbajoog firfircoon oo loobiga iyo abaabulka diblomaasiyadda si wayn uga qayb qaadan kara.

4- Waxaan ku baahsanahay geeska Afrika, ganacsi xooggana ku leenahay, waxaan nahay ummad leh dareen daandaansiga neceb, dullaysiga iyo damaca ajanbigana diida.

Hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya iyo kan dawlad goboleeyada waxaa waajib ku ah;

1- In wax kasta loo quuro midnimada iyo wadajirka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan walaalaheen Somaliland.

2- In la dhiso dawlad difaac qaran oo karti, aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo lagu xulay, meelna la iska dhigo damaca, danta gaarka ah iyo kooxaysiga.

3- In la qaado guluf diblomaasiyadeed iyo abaabul dadwayne, mudnaantana la siiyo sidii dalka looga difaaci lahaa cadowga dawladnimada iyo damaca shisheeyaha.

4- In Soomaaliya loo kasbo saaxiboo iyo dawlado aanu nahay dan isku tolan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here