Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka baxay magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroortii hore ee saaka ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen gudaha magaalada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in Ahlu Sunna ay wada-hadal uga baxday magaaladaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen ganacsato iyo rag siyaasiyiin ah.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xoogaga Ahlu Sunna ay haatan gaareen deegaanka Godwiil oo dhaca dhanka waqooyi degmada Guriceel.

Afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Guriceel ka socday dagaallo u dhexeeyey ciidamada Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo Xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here