Ciidamada ammaanka oo fashiliyay qaraxyo lala damacsanaa Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) -Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay saaka ka hortageen laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo la doonayay in gudaha loo geliyo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

 

Labada baabuur ayaa lagu qarxiyay banaanka magaalada, waxaana rasaaseeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi, kadib markii ay isku dayeen inay xoog ku soo dhaafaan bar-koontarool oo laga ilaaliyo amniga guud ee magaaladaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in labada baabuur lagu qarxiyay goobo isku dhow, taasna ay keentay in laga hortago inay gudaha u galaan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, xilli uu weli ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay heleen xogta weeraradaan, kadibna ay sameeyeen ka hortag, taas oo keentay in la fashiliyo qaraxyadaan oo la doonayay in lagu bartilmaameedsado gudaha magaalada Dhuusamareeb oo xudun ah gulufka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay weerarkan ayaa ku amaanay ciidamada Xoogga dalka feejignaantooda iyo sida ay uga hortageen qaraxyadaas gawaarida lagu soo raray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana Dhuusamareeb iyo agagaarkeeda ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Maalmo kahor ayay ahayd markii xubnaha Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda Galmudug, kaas oo ay isna ka hortageen ciidamada ammaanka, kahor inta uusan gaarin guri ay joogeen mas’uuliyiinta oo la sheegay inuu bartilmaameed u ahaaa Al-Shabaab.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo iyo duqeymo xoogan, kuwaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, sidoo kalena looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here