Ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay nin dil ka gaystay Dharkenley

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta kusoo dhigay eedeysane dhawaan dil ka gaystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

 

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cali Maxamed Xasan ayaa loo haystaa dilka marxuum Ismaaciil Yuusuf Axmed oo uu toorey ku dhaawacay, kaas oo ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-

Howl-gal Qaatey Muddo 24 Saacadood Oo ay Sameeyey Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Dharkenlay waxaa gacanta lagu Soo Dhigey gacanku dhiigle Laga Daba Joogey.

Taariikhda Markay aheyd 09-05-2024 Abaaro 10:00am waxaa Dhaawac Toorey Loogeystey Muwaadin Soomeeliyeed oo lagu magacaabo DHIBANE MARXUUM ISMAACIIL YUUSUF AXMAD INA MUUMINO MAXAMED CUMAR 40 JIR AH Saacado ka dibna Dhibanaha Wuxuu U geeriyoodey Dhaawicii Kasoo gaarey Tooreydii Uu la Dhacay Gacan Ku dhiiglaha

Maantey oo taariikhda tahay 10-05-2024 abaaro 09:50 Pm Waxaan Gacanta lagu Soo Dhigay EEDEYSANE GACAN KU DHIIGLE CALI MAXAMED XASAN INA SULDANO CALI AADAN 16 JIR AH kaas oo Howl-galka lagu baadigoobaayey Ay Ku Jireen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Muddo 24 Saacadood ah

Waxaa Howlgalkaas gacan Ka geystey Bulshada soomaaliyeed ee Degan Degmada Dhrkeenlay oo Gacan Siiyey Ciidanka Boliiska Soomaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here