Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ballaaran ka sameeyey Muqdisho

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howl-gallo ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga caasimada.

Howl-galka ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyey xaafado ku dhow xarunta madaxtooyada oo habeen hore lagu weeraray tiro hoobiyeyaal ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tiro dad ah oo tuhmanayaal ah lagu soo qabtay howl-galladaasi, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howl-gallo lagu sugayo amniga, kuwaas oo sidoo kale lagu soo qabtay kooxo hubeysan oo falal amni darro ka waday gudaha caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here