Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey degmada Caabudwaaq

0

Taliyaha ciidamada Booliska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, Farxaan Xuseen Xasan  ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ballaaran oo saacadihii lasoo dhaafay laga sameeyey gudaha magaaladaasi.

Farxaan ayaa sheegay in howl-galladaan ujeedkooda uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga degmada Caabudwaaq oo ku taalla waqooyiga gobolka Galgaduud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howl-galladaasi lagu soo qab-qabtay dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dil dhowaan degmadaas loogu geystay marxuum lagu magacaabi jiray Odowaa Axmed oo gurigiisa loogu toogtay.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah amniga magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here