Ciidamada ammaanka oo howlgallo ka sameeyay degmada Kaxda

0

MUQDISHO (SMN) – Ciiidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Boolis Milataaro ayaa maanta howlgallo ka sameeyay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

 

Howlgallada ayaa ciidamadu waxa ay guri guri ugu baarayeen xaafadaha degmadaasi, kadib markii xalay uu qarax ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada inta uu socday howlgalka ay ku soo qabteen dhowr qof oo laga shakiyay, kuwaas oo ay haatan su’aallo weydiinayaan laamaha amniga.

Qaraxa xalay ka dhacay degmada Kaxda ayaa waxaa lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah, waxaana ku dhintay ugu daraan illaa 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay daganeyd, kadib markii la xoojiyay ciidamada ku sugan gudaha caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here